Toyota oo soo dagaysa Puntland iyo Aaran-jaan oo isku haysta qandaraaska

Shalay waxaa soo gaaray Puntland wafti ka socda Shirkada Baabuurta samaysa ee Toyota.

Waftiga Toyota,ayaa qorshahoodu yahay in ay Xaafiis toos ah ka furtaan Puntland,kaasoo Baabuurta iyo agabkooda dayactir laga heli karo.

Waa talaabo horumar ah markii dhanka wanaagsan laga eego,balse sida ay kooxda madaxtooyada qaadatay ee Aaran-jaan ay udhigeen waxuu leeyahay khatartiisa qorshahan.

Aaran-jaan oo laba garab ah waxay isku haystaan qaadashada qandaraaska lala galayo shirkada Toyota.

Garab uu hogaaminayo Maxamed Faroole isla xalayba casho soo dhaweyn ah,ayay usameeyeen waftiga shirkada.

Sidoo kale garab uu horboodayo Maxamuud Shido waxay isu diyaarinayaan in ay iyagu qataaan qandaraaskaas.

Haba yaratee dantii Bulshada meesha kuma jirto cid iska waraysanaysana maleh,waxayna ka dhigteen Madaxtooyadii Ceel ay cidlo ka heleen.

Baabuurta shirkada Toyota waxaa ka ganacsada oo noloshoodu si toos ah ugu xiran tahay Boqolaal ganacsato yar-yar,kuwaasoo kasoo daabula dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni oo aan rajo badan laga qabin waxkaqabashada hunguri xumada Aaran-jaan,ayaa Bulshadu leedahay markaas bal kor eeg.

Aaran-jaan waa jariif aan beer reebayn oo Kun-ka Shilin ilaa Madaxweyne Deni iyaga in uu soo dhaafo aan ogalayn.