VIDEO: Ra’iisulwasaare Kheyre “Waxaan dhisaynaa Galmudug awood badan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Gal-mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in uu u amba baxayo Magaalada Cadaado si uu wada-hadal ula yeesho Madaxweyne Xaaf, loona helo galmudug awood badan, maadama isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay kasoo jeedaan.