VIDEO: Shirka Maalgashiga u adkeysiga Abaaraha ee Degaanada Puntland oo furmay

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa daah-furay maanta Shirka Maalgashiga u adkeysiga Abaaraha ee Degaanada Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland.

Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan Xubno katirsan Dowladda Puntland, Madax ka socota Hay’adaha Caaliga iyo Dalalka Sweden, UK iyo Midowga Yurub, ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigayaa Qorshaha Mashruuca u adkeysiga Abaaraha soo lab-laabta iyo qaab dhismeedka Guud.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa sheegay in Mashruucan ay baahi weyn u qabtay Puntland, isagoona xusay in Dowladda Puntland doorkeeda ka ciyaarayso.

Mashruuca u adkeysiga Abaaraha ee Degaanada Puntland, ayaa laga fulinayaa illaa 10 Degmo iyo ugu yaraan 40 Tuulo oo katirsan Degaanada Puntlabd, sida uu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland.