Guddiga Doorashooyinka Puntland oo berri shaacinaya Is-casilaadooda.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ee (TPEC), ayaa la filayaa inay berrito shaaca ka qaadan in dhamaan xubnaha guddigu ay is casileen.

Xubnaha Guddiga ayaa dhowaan u gudbiyay is casilaadooda Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaddib kulan saacado qaatay oo ay kula yeesheen Madaxtooyadda Garoowe, sida ay horey u baahisay Shabakadda Idil News oo xiganeysa Sarkaal sare oo katirsan Guddiga.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka dalbaday guddiga inay ka war sugaan, balse markii dambe uu ka aqbalay Is-casilaadooda, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya sababaha ka dambeeya is casilaada Guddiga.

Guddiga ayaa ka cabanaya Madax banaani la,aan iyo in aan lagu tixgelin shaqooyinkooda Dastuuriga ah, waxaana ay ku eedeeyen xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Saaxiibada Madaxweyne Deni inay ka wadi waayeen Shaqooyinkoodii, taas oo ay tilmaameen inay u cuntami Karin.

Talaabadan ay isku casilayaan Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa imaaneysa xilli uu Madaxweyne Deni uu dhowaan shaaciyay in muddo kordhin uu u sameeyay Guddiga, ayna dardar-galiyeen Hanaanka Dilmuquradiyaynta iyo Asxaabta badan ee Dowladda Puntland.