Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur (Sawirro)

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax dhiga Taalada Dhagaxtuur oo ku taalla Wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay isugu yimaadeen boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo u dabaal dagayay maamuuska maalinta Qiimaha leh ee 26-ka June.

Fagaaraha Taalada  Dhagaxtuur ayaa waxaa isugu yimid xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaanada laba aqal ee dal, Saraakiil, boqolaal shacab ah iyo mas`uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeen Salaan sharaf ka qaatay ciidamada Baanbeyda oo heer sara ah loo diyaariyay,waxaana intaasi kadib uu la hadlay  boqolaaalka dad weyne ah ee isugu yimid Taalada Dhagaxtuur ,waxana uu yiri’xalay oo kale gobalada Waqooyi ay iska dulqaadeen heeryada gumeysiga islaamarkaana ay noqatay markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed oo xor ah uu ka dul ba bado calanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeyneyso midnimada umadda Soomaaliyeed iyo isku keeenidooda, isaga oo fariin u diray Maamulka Soomaaliland oo aaminsan in ay ka go’een Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur oo ah goob lagu xasuusto dadka dalka usoo halgamay.