Mareykanka oo bilaabay dhex-dhexaadinta Somalia iyo Kenya

Dowlada Maraykanka ayaa bilowday inay dhexdhexaadiso khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee ah xadka Badweynta Hindiya.
.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa la kulantay safiirka Maraykanka Donald Yamamoto iyagoo ka wadahadlay arrimaha ka soo cusboonaaday labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweeyay oo aan la kulmay Ambassador Donald Yamamoto, Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya waxaana isweydaarsanay aragtiyada kala duwan iyo doorka Maraykanka ee gobolka ee ah ammaanka iyo xasiloonida,iyadoo kulankana uu goobjoog ka ahaa Amb. Kyle McCarter safiirka Maraykanka ee Kenya,”ayay ku soo qortay boggeeda Twitterka CS Juma.

Dhinaca kale Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya laga leeyahay ayaa Amb, Kyle McCarter safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya oo laga weeydiiyay haddii meelo kale lagu xaliyo muranka Badda,sida Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, isaga oo ku jawaabay

“Waxaa hubaal ah in labada dal ay yihiin kuwo wax wadaag ah oo uu dagaal kala dhaxeeyo ururka Al-Shabaab, anaga waxaan sitoos ah ugu jirnmaa xalintooda waayo waa ay wanagsan tahay in la wada ilaaliyo deris wanaagsa ayuu yiri Amb, Kyle McCarter.

Khilaafka ka dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2014kii ayaa waxaa lagu wadaa inay go’aan ka gaarto dhamaadka sanadkan Maxkamada Caalmaiga ah ee ICJ hase yeeshee dowlada Kenya ayaa dooneysa in lagu xaliyo murankan qaab wadahadal.