VIDEO: Maxkamadda Racfaanka oo dib u dhigtay Go,aanka Kiiska Caa’isho

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal, ayaa maanta oo arbaco ah mar kale dib u dhigtay Dhageysiga dacwada la xariirta kiiskii Afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan.

Maxkamadda Racfaanka ayaa markii ugu horeysay sabtidii dhageysatay Dacwada Kiiska Caa’isho, oo Saddexda eedeysane ee loo heysto ay Maxkamadda Gobalka Nugaal 12-kii bishii May, 2019 ay ku riday xukun dil ah, kaddib markii xeer ilaalintu ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen.

Saddex Rag ah ee loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan, ayaa lagu kala magacaabo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 24 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah.

Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Nugaal ayaa kiiskan dib ugu dhigtay maalinta sabtida ah ee soo socota, xilligaas oo ay Maxkamadda racfaanku ah ay ku dhawaaqi doonta go’aankeeda.

Go,aanka Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa ah mid si weyn ay uga dhur-sugayaan Shacabka Reer Puntland, kuwaas oo ka carooday falkii foosha xumaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno ku nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.