Ciidanka PSF oo burburiyay Saldhigyo ay lee dahay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee Dowladda Puntland PSF-ta, ayaa howlgallo culus ka fuliyay degaanada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan Ciidanka PSF-tu ay ka wadeen aagagaas, kuwaas oo lagaga hortagayey falalka argagixiso ee kooxda Al Shabaab ay dooneyso inay ku wax yeelayso Shacabka Reer Puntland.

Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda intii uu socday ku guulaystay in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab.

Sidoo kale, Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, isla markaana waxay Ciidanku PSF-ta ayaa burburiyay saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow.

Ugu dambeyntii, Ciidanka PSF-ta ayaa wacad ku maray inay si laba jibaarayaan Howlgalada ay ku bartilmaameedsanayaan Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.