DEG-DEG: Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray Somaliland iyo Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag iyo xuduudaha Puntland ay la wadaagto Somaliland iyo Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay dadaal ugu jirto hormarinta Gobalka Sanaag iyo xoreynta Sool oo ay muddo 12 sanno gacanta ku heyso Somaliland.

Waxaa uu sheegay inay diyaar u tahay Dowladda uu Hoggaamiyo inay ilaaliso nabad-gelyada iyo daris wanaaga, balse aysan aqbali doonin in lasii heysto xaduudahooda, laguna xad-gudbo midnimada iyo jirataan Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay Xuduuda ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug, isagoona tilmaamay in Xukuumaddiisa ay had iyo jeer ka go,an tahay in wax kastaa lagu xalayo Wada-hadal iyo Siyaasad, balse wixii taas ka baxsan ay uga jawaabi doonto Awood Ciidan.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay Saraakiishii Reer Sanaag ee dhowaan kasoo goostay Somaliland kuna soo biiray Puntland, kuwaas oo shalay soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Hadalka Madaxweyne Deni ee ku aadan Xuduuda Puntland iyo Galmudug ee Gobalka Mudug, ayaa imaanaya xilli dhowaan Jaaliyadda Galmudug ee Sweden iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ay Sheegeen in Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug ay katirsan tahay Degaanada Galmudug, taas oo ka careysiisay Dadka Degaanka.