Eng. Camey oo waraaqihii Aqoonsiga Safiirnimo u gudbinaya Madaxweynaha Itoobiya (Sawirro)

Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacowday dalka Itoobiya Magacaabay Eng. C/xakiin C/llaahi Camey, ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya, halkaas oo uu saldhigan doono.

Danjire C/xakiin C/llaahi Camey oo horay u ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addis ababa.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa iyo Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Addis ababa, ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu warqaddiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Itoobiya.

C/xakiin Camey oo ahaa Madaxweyne kuxigeenki hore ee Puntland ayaa bishii March ee sanadkan loo magacaabay inuu noqdo Safiir, Isagoona lagu xasuusto inuu si weyn ula jiray Madaxda Dowladda Federaalka xilligii uu ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Sidoo kalena uu dhaliili jiray Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay arrimo Dastuuri ay isku hayeen Madaxda Dowladda Federaalka, taas la aaminsan yahay inuu ku muteystay Safiirnimada.