Madaxweyne Deni oo isku shaandheyn ku sameynaya Golihiisa Wasiirada iyo Xubnaha xilalka weynaya (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa isku shaandheyn ku sameynaya Golaha Wasiirada ee Xukuuamadda uu Hoggaamiyo, isagoona xilalka ka qaadi doona Wasiiro, Sidoo kalena isku badali doona Qaarkood.

Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Idil News, ay heshay ayaa Sheegaya in Madaxweyne Deni uu haatan wado la tashiyo ku aadan Isku shaandheynta Golaha Wasiirada, waxaana habeenadii lasoo dhaafay Madaxtooyadda ka dhacayay shirar aan loo kala kicin oo ku aadan Talaabadan

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu xilka ka qaadi doono Wasiir uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay wajahayay eedeymo badan, Sidoo kalena ay dhowaan ku dhageen Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Wasaaradda Maaliyadda ka qaadi doona Xasan Shire Abgaal, kaas oo lagu heysto inuu ragaadiyay Dhaqaalaha Puntland, waxaana wararku sheegayaan in Mr. Abgaal loo wareejin doono Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Isagoona xilka ka qaadi doono Wasiirka Wasaaraddaas Ismaaciil Diiriye Gamacdiid.

Isku shaandheynta Madaxweyne Deni ee Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo bisha Augost ee sanadkan, isagoona ku beegi doona xirista kalafadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaas oo furmay 15,bishan June, soconayana 45 cish

Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Deni oo uu Magacaabay 10 Febaraayo, ayaa waxaa hareeyay eedeymo badan oo ay u jeedinayaan Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Bulshada Puntland, kuwaas oo ku aadan inay yihiin Gole Wasiiro oo ay heyso Aqoonyari iyo in aysan laheyn Haykal Dowladeed, sidoo kalena uu kusoo xulay Madaxweynuhu is khulufeysi.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News