Madaxweyne Deni oo xil cusub Magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 34 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdicasiis Cilmi Yuusuf loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.