VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo dib u eegis ku sameynaya Heshiisyadii DP World iyo CECC.

Guddiga uu Baarlamanka Dowladda Puntland u xil saaray soo uruurinta Talooyinkii guddiyada kala duwan ee Golaha wakiiladu ay ku soo bandhigeen Kal-fadhiga socda, ayaa maanta Golaha u akhriyay soo jeedinno ka soo baxay tala-uruurintaasi.

Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa soo jeediyay talooyin qodobaysan oo ku socda xukuumadda Puntland, kuwaasi oo la xiriira dhinacyada; wada-shaqeynta iyo kala qeexidda shaqooyina  hay’adaha dowladda, daah-furnaanta habka fulinta mashaariicda, hufnaanta  hannaanka Garsoorka, kobcinta Dhaqaalaha, Kordhinta mushaharaadka, hirgelinta shuruucda iyo xeerarka, adkaynta amniga iyo difaaca Puntland, horumarinta arrimaha bulshada iyo sidoo kale adeegyada aas’aasiga ah.

Guddiga ayaa Xukuumadda Puntland u soo jeediyay, in ay Golaha Wakiilada horkeento, dhammaan heshiisyada cusub ee ay soo gashay, islamarkaana ay Baarlamanka u soo bandhigto heshiisyadii hore u socday ee CCECC iyo DP World, si daba-gal loogu sameeyo waxa ka qabsoomay hesiisyadaasi iyo nidaamka loo fuliyay.