Akhriso: Dalalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay Xuska 1 Luulyo

Saddex kamid ah ka mid ah dowladaha Carbeed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Munaasabada 1-da luulyo,waxaana dowladahaas ay kala yihiin Cumaan, Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Warqad kasoo baxday Suldaan Qaboos bin Saciid bin Taymuur oo ah Suldaanka hoggaaminaya Suldaanada dalka Cumaan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed inay nabad iyo Barwaaqo ku nooladaan,isla markaana siweyn u xusaan malintii ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga.

Si lamid ah dalalka Burundi, Rwanda iyo Canada ayuu ugu hambalyeeyay Maanta oo ku beegan maalintii ay xurnimada qaateen,waxaana uu u rajeeyay Caafimaad iyo horumar waara.

Dhinaca kale Boqarka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa warqad u soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taas oo uu ugu hambaleynayo Munaasabada 1-da luulyo oo ku beegan markii Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaanga.

Boqorka ayaa Shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Amni Waara iyo xasilooni ,Dadka Soomaaliyeed aan walaalaha nahay,waxaana ugu hambaleeynayaa Munaasabada 1-da luulyo aniga oo ku hadlaya Magaceyga iyo kana Shacabkeyga,waxaana leeyahay horumar iyo xasilooni ku waara ayuu yiri Boqor Salmaan.

Soomaaliya ayaa xalay ilaa Maanta waxaa looga dambaal-degayaa Munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan  markii Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, ahna israacii Gobolada waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya.