AKHRISO: QM oo balan qaad u sameysay Dowladda Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Sanad-guurada 59-aad ee kasoo wareegatay madaxbanaanida Dalkeenna.

“Hambalyo, tani waaa Maalin aad ugu weyn dhammaan Dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo Dunida dacalladeeda, in-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, haddana Maanta waa Maalin ay Dadka Soomaaliyeed  ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md; Swan.

James Swan, ayaa intaa sii raaciyay in debaal deggani uu ku soo beegmayo xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan.

Wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka ay si dhow ula shaqaynayaan Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, dhaqaalaha, maamul wanaagga, u wada dhamaansho iyo la tacaalidda baahiyaha arrimaha bani’aadannimo.

Qaramada Midoobay waxay u debaabldegeysaa Sanad guuradan, iyadoo u ballan-qaadaysa Dadka Soomaaliyeed Garab-istaag Bilaha iyo Sanadaha soo socda.”ayuu yiri , Amb; James Swan.