Maxamuud Sayid Aadan oo safar shaqo uga maqnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dig ugu soo laabtay.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo safar shaqo uga maqnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dig ugu soo laabtay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa markii kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa uu ka warbixiyay safarro shaqo oo uu ku tegay degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Wuxuu ka hadlay arrimaha doorashoyinka Jubbaland, wuxuuna sheegay in doorashadu ku dhacayso waqtigeeda loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo ammaanka guud ee Jubbaland.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayuu ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda xaqiijinta nabadgelyada.