Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, iyada oo maanta loo  dabbaal dagayo maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaaha Ciidamada Qalabkas ida ,xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u gudbay Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee Degmada Cabdicasiis halkaas oo ay isugu soo baxeen kumannaan shacab ah oo ka qeyb qaadanayo Xuska 1-da Luuliyo.