VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorashooyinka ku soo fool leh Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isagoo ugu baaqay inay qabsadaan doorasho xor iyo xalaal ah, ayna wax ka bartaan Doorashadii ka dhacday Puntland.

“Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay in aanu dib dambe u soo raacin”ayuu yiri Madaxweyanah Dowladda Puntland Dr. Saciid C/llaahi Deni oo si maldahan u muujinayay qaabkii dowladda Federaalka u faragelisay doorashadii Koofur Galbeed.