VIDEO: Madaxweyne Deni “Shacabka Puntland ma aqbalayo waxay wadaan Madaxda DF”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaaliya, isagoona digniin u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay Munaasabadda 1 Luulyo, oo lagu qabtay Garoowe ayaa Sheegay in dhamaan howlihii muhiimka u ahaa dib u dhiska Soomaaliya, ay taagan yihiin, waxaana uu tilmaamay inay sabab u tahay wada-tashi la,aan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Dastuurkii Soomaaliya uu noqday Mashruuc aan meel loo dhaqaajinayaa jirin.

Waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda, horeyna u qaadan Buug lasoo xar xariiqay oo aan ku imaan tashi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa uga digay Madaxda Dowladda Federaalka in ay isku koobaan talada Dalka, isagoona sheegay in Soomaaliya ay qaadatay Federaal, uuna yahay Nidaamka kaliya ee Dalka maanta ka soconaya.