VIDEO: Sidee Puntland looga xusay 1 Luulyo ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kaga qeyb galay munaasabadda xuska 1-da Luulyo maalinta xorriyadda gobolada Koonfureed iyo midowga gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka.

Xuska maalintani Qaran waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenadiisa, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, kuwa Puntland, qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, masuuliyiin ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, isimo, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintani mudan ayaa ku dheeraaday tariikhda guun ka ah iyo dharaarihii gobanimo doonka Soomaliyeed ee Eebbe galaddiiisa dalkeenna ku manaystay xornimo iyo midow walaalnimo.

” Waxaan marka hore u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee asbuucii hadda lasoo dhaafay xorriyadda heshay 26’ka Juun, 27, Juun markii ugu horaysay oo calan Soomaliyeed la taago ayay ahayd, calanka baluugga ah buu ahaa hargaysa baana laga taagay dadkii ka taagayna waa goobjoog, waxaan caalamka iyo cid walba u sheegaynaa calankii la taagey buluug buu ahaa dadkii taageyna wili waa joogan oo way ilaalinayaan, ciddii wax tabanaysa oo intaas wax ka duwan qabta in lala hadlo oo la qanciyo ummadda Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garowdaa, dalkaan taariikh buu soo maray gumayste kala duwan buu soo maray wixii halgan ahaa ee lasoo marayna markhaatiyaashiisii baa jooga”.

“Runtii hambalyada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka gadaal waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa jamhuuriyadda Jabuuti oo ah dal walaalaheen ah, wixii lasoo maray in dib loogu laabto nooc waalida ka mid ah weeye waxaan rajaynayaa in wixii lasoo maray lagu tusaale qaato”. Ayuu York Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in muwaadiniintii diiday in la gumaysto weli xaadir yihiin, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryey midnimo, wadajir, wax wadaqabsi, isfahan iyo dowladnimo taam ah.

“Dadka halkaan jooga waa kuwii ku abtirsanaayey Aabbayaashii diiday in la gumaysto oo caalamku usoo aaday gumaysiga, waxay diideen in qoorta la qabto oo biyaha la cabsiiyo, dadkaan waxay rabaan wada hadal ismaqal iyo in ay kaalintooda qaataan, waxaan umadda Soomaaliyeed Rabbi uga baryayaa dowlad midnimo taam ah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.