Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Lucas Tumbo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa u dhiibtay Danjire Lucas Tumbo, dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, taas oo ka timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa lagu yiri “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau”.

“Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya”

“Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya”