Xasan Sheekh oo eedeeyn kulul u jeediyay Madaxda DF Soomaaliya

SOMALIA, Mogadishu: In photograph taken and released by the African Union-United Nations Information Support Team 19 April 2013, Somali President Hassan Sheik Mohamud is seen in his presidential office inside Villa Somalia, the complex which houses the Somali government in the country's capital Mogadishu. Listed in this year's Time Magazine list of the 100 most influential people, Mohamud is president of Somalia's first democratically elected government after two decades of civil war unrest and conflict in the Horn of Africa nation. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso Maamul Goboleedyada dalka xilliyada doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiyaha mid ka mid ah xisbiyada dalka oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa waxaa sheegay in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Hirshabelle waxana uu ku tilmaamaywax laga xumaado dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inay ka qeyb qaataan daminta colaad beeleedyada ku soo laalaabtay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.