Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Oo La Wareegay Degaano Hostaga LEEGO Shabeellaha Hose

Howlgalkan Oo Uu Hogaaminayay Taliyaha Guutada Todobaad G/Sare Col-Hassan Mohamed Abukar Ayaa Laga Sameyay Deeganada Yaaq-Bariweyne, Iidow-Jalaad Iyo Leego Ee Gobolka Shabeellaha HOOSE

Ciidamada Qaranka Ayaa Howlgalo Ka Wada Qeybo Ka Mida Goblada Dalka Soomaaliya Waxaan Maleeshiyada Shabaab Gacantooda Laga Saaray Deegano Dhawr ah ay Ku Dhibaateyn Jireen Shacabka Soomaaliyeed

Marka Laga Soo Tago Guulaha Isdaba Jooga Ah Ay Ciidamada Xoogga Dalka Ka Gaaraan Howlgalada Ka Dhanka Ah Koxda Nabadiidka,

Waxaana Jira Dhabar Jab Ku Yimid Al-Shabaab Oo Ku Aadan Iney U Adkeysan Waayeen Weerarada Lagu Qaadayo,Waxayna Bilaabeen Maleeshiyaadka Iyo Horjoogayaashooda Iney Mid Mid Isku Soo Dhibaan.

Howlgalkan Waa Mid Ka Mid Ah Talaabooyinka Joogtada Ah Ee Ciidamada Qaranka Ugu Diidayaan Naflacaariga Shabaab In Ay Nastaan Helaanna Waqti Ay Isku Abaabulaan

Hoos Ka Daawo Muuqaalka