Guddiyadii loo xil saaray dilkii Gaalkacyo oo War soo saaray (War-saxaafadeed)

Guddiyadii xal u helida dilalkii Gaalkacyo ee ka kala Socday Golaha Shacabka BJFS iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Maalmahaan ku Sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa soo Saaray War-saxaafadeed.

War-Saxaafadeedka oo ka kooban dhowr qodob  ayaa waxaa ay kaga hadleen kulamadii ay la qaateen Maamulka Magalada Gaalkacyo,qeybahaha kala duwan ee Bulshada magaaladaas & Eheladii dadkii lagu dilay Gaalkacyo ee kasoo kala jeeda Maamulada Koonfur Galbee & Hir-Shabeelle.

Gudiga ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan kulamadaasi kadib ay soo saareen dhowr qodob oo xal u noqon kara nabadgelyada dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle,kuwaas oo kala ah.

1: In dhamaan dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ay Amniga Guud kala Shaqeeyaan  Maamulka Magalada Gaalkacyo & Hay’adaha Amniga.

Sidoo kale in Shacabka kasoo jeeda labada deegaan ee Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed laga joojiyo falalka lagu Eedeeynayo oo ay geystaan waxa loogu yeero Argagaxisada.

Iyo in dhamaan dad kasoo jeeda  deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ay sameystaan guddiyo Maamulka Magalada Gaalkacyo kala Shaqeeya Amniga iyo Nabadgelyada.