Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xaaf iyo Safiirka UK ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa manta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweyne Xaaf iyo Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, Doorashooyinka Degaanada Galmudug iyo in la helo xasilooni siyaasadeed.

Safiirka Dalka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, ayaa ku amaanay Madaxweynaha Galmudug ka shaqeynta wada-dagaanshaha iyo in la nabadeeyo Magaalada Gaalkacyo iyo Guulaha uu ka gaaray wada hadaladii iyo dib u hishiisiinta Maamulka Ahlu-suna taas oo keentay in Maamulka Ahlu-suna uu Ciidamadooda ku wareegiyo Dowlada Federaalka ah.

Sidoo kale, Danjire  Ben Fender ayaa sheegay in uu u arko guul usoo hoyatay Galmudug kuna timid dadaal badan uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, Isbedelada ku dhacay Degaanada Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Safiirka dadaalada Dowladda UK ay ugu jirto Nabad u xasilinta Soomaaliya iyo taageerada gaarka ah ee ay siiso Galmudug.