Maxay tahay Ujeedada Socdaalka Axmed Karaash ee Imaaraadka Carabta ?

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta gaaray Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, Isagoona ka socdaalay Magaalada Jabuuti oo uu uga qeyb-galay xuskii 27-ka Juun ee Curashada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Axmed Karaasha ayaa la filayaa in Maalinta bari ah uu kulamo La qaato Masuuliyiinta ugu saraysa imaaraadka iyo Maalgashadayaal Caalamiya ah, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirka imaaraadka carabta iyo Puntland.

Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirto sidii ay  usoo jiidan laheyd dalalka Caalamka, islamarkaana loo heli lahaa maalgashayeyaal Caalami ah, si ay ugu faa’ideyso Bulshada Degaanadeeda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa horay ugu dhawaaqay Shirweyne Ganacsi oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dalalka Caalamka, kaasoo lagu waddo in uu ka dhaco Bisha September Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.