Ra’iisulwasaare Kheyre oo la sheegay inuu ku fashilmay dadaaladii Galmudug.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xal ka gaarista Doorashooyinka Galmudug iyo in dib u heshiisiin la dhex dhigo Bulshada Degaanada Galmudug.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo.

Ra’iisulwasaaraha ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Xildhibaan Indha-yare ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay Dowladda Federaalka iska indho tireyso arrintaasi.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli maanta Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug uu ka dhacay banaan-bax balaaran oo looga soo hor-jeed Go,aanka Ra’iisulwasaare Kheyre uu ku dhawaaqay labada jeer ee ah in Gogasha Dib u heshiisiinta Galmudug la dhigay Dhuusa-mareeb.