Taliyihii Saldhiga Magaalada Gaalkacyo oo u geeryooday Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Taliyihii Saldhiga Booliska Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cawil Nuur Rooble, ayaa u geeryooday Dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu kasoo gaaray Qarax miino oo loogu xiray Gaarigiisa oo ahaa nooca loo yaqaano NOHA, waxaana ay la qaraxday xilli shalay gelinkii dambe uu marayay wadada 30-ka ee Bartamaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu uu xalayto ku geeryooday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo, Iyadoona lagu waddo in maanta lagu aaso Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.