VIDEO: Banaan-bax ka dhan ah Ra’iisulwasaare Kheyre oo ka dhacay Cadaado (Sawirro)

Boqolaal ka mid ah Shacabka iyo waxgaradka ku nool Magalada Cadaado ayaa Maanta waxa ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen go’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb.

Dibadbaxayasha oo isugu soo baxay Wadooyinka waaweyn ee Magaaladaas ayaa waxaa  ay qaarkood wataeen  boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku diidan yihiin Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Maqaamka Caasimadda.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Cadaado oo banaanbaxa ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka ay cadaalad darro ku sameysay dadka Magalada Cadaado,isla markaana heshiisyadii horay loo galay looga baxay.

Waxaa ay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen inay ka laabtaan Go’aanka ah in in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana dadka Reer Galmudug ay u baahan yihiin Dib u heshiisiin.