Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaadka wax tahriibiya oo ku dagaalamaya duleedka Boosaaso

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan oo ilaalo u ah koox dadka tahriibisa, ayaa ka socda degaanka Mareero oo 10-KM dhanka bari uga toosan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceyn Ciidamada Ammaanka Dawladda  Puntland oo waday howlgal ka dhan ah Kooxaha wax tahriibiya iyo Maleeshiyaadka ilaalada u ah, waxaana dagaalka ku dhintay laba ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Howlgalkaan ayaa ahaa Mid lagu baadi-goobayay Koox ka tirsan kuwa wax tahriibiya oo lagu tuhmayay dilka askari katirsanaa Ciidamada Madaxtooyada loogu gaystay Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Puntland ay u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah dadka wax tahriibiya iyo Maleeshiyaadka ilaalada u ah iyo mid ka mid ah gawaarida dagaalka oo ay wateen.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid caadi ah, waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin, isla markaana ay ka wadaan Howlgal ka dhan ah kuwa wax tahriibiya.

Dawladda Punland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday ka ganacsiga Tahriibiyo, waxaana ay ka musaafurisay Tahriibiyaal Itoobiyan ah oo doonayay inay ka tahriibaan Xeebaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.