Maxay ka tiri beesha caalamka xaalada GALMUDUG?

Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda iyo isu dumidda Garabyada siyaasadda ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , ayaa lagu sheegay in ay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Soomaaliya ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug ,si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh Dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn.