Shir Jaraa’id oo uu qaban lahaa Wasiir Cawad oo la baajiyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Xaqiijisay in dib loo dhigay Shirka Jaraa’id oo la filayay in Saacadaha soo socda uu qabto Wasiirka Wasaaradaas Axmed Ciise Cawad.

Saxaafadda ayaa horey loogu war-geliyay in maanta oo arbaco ah, 2:00 Duhurnimo ay kasoo qeyb-galaan Shir Jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Amb. Cawad, kaas oo uu uga hadli lahaa arrimo soo kordhay, balse Wasaaradda ayaa goor-dhaweyd ku war-gelisay saxaafadda in dib loo dhigay kulanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddda ayaan shaacin sababta keentay in dib loo dhigo Shirka Jaraa’id ee Wasiir Cawad, iyo waqtiga kale ee dib loo qaabanayo.

“Wargelin muhiim ah. Waxa aan wargelinaynaa wariyayaasha in aan dib u dhignay shirka jaraa’id  illaa iyo waqti kale. Waad ku mahadsan tihiin xiriirkiina,” ayaa lagu yiri qoraalka gabagabada oo lasoo raaciyay calaamatul cajiib (!).

Shirka Jaraa’id ee uu qaban lahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysatay Xiisada Dublamasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo ka dhalatay muranka badda.