Wasiirka Degaanka Puntland oo safaro ku maraya Degaanada Gobalka Mudug (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gammadiid, oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa kulamo kor loogu qaadayo wax soo saarka Beeraha iyo ilaalinta Deeganka la yeeshay Bulshooyinka ku nool Degmooyinka Gobolka Mudug.

Wasiirka Degaanka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa kormeer kooda ku tegay Deeganadda Bacaadweyn,Roox ,Taracaso, Ceel Jaalle ,Bur-Saalax iyo Galdogob, Iyagoona bulshada Degaanadaas kala hadlay dhowrista Degaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gammadiid, iyo Waftigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Faaiso Cali Ismaaciil ,Lataliyaal Sare ,Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda ayaa ujeedada Safarkooda Degaanada Mudug ku sheegay inay tahay dar-dargelinta shaqada Wasaardda Ee dhinacyada wax soo saarka Beeraha, ilaalinta Deeganka iyo ogaanshaha baahiya ay qabaan beeralayda Deegamadaasi.