Ciidamo gadoodsan oo soo gaaray Garoowe iyo xaalada oo kacsan

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa kasoo baxay Jiidaha hore ee Degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, kaddib markii ay waayeen bilihii lasoo dhaafay Mashaarkoodii, haatan ay ka go’een Saadkii.

Ciidanka oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, halkaas oo haatan ay ka socdaan shirar aan caadi aheyn oo looga hadlayo sidii Ciidanku ay dib ugu laaban lahaayeen Aagagoodii.

Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidanka ayaa sheegay in Mushaar aysan helin Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, haatana uu ka go,ay Saadkii, Iyagoona tilmaamay in ay soo food saartay Xaalad adag oo aysan u sii joogi Karin Jiidaha hore ee Tukaraq, oo marar badan ay kula dagaalameen Ciidanka Somaliland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd soo afmeeray Shirkii Golaha Wasiirada oo si adag looga hadlay xaalada Ciidanka Gadoodsan, isagoona shirar gaar gaar ah haatan ka wada Madaxtooyadda.

Si kastaba ha ahaatee, Gadiidka Ciidanka Difaaca Puntland eek u sugnaa Jiidaha Dagaalka ee Degaanka Tukaraq, ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Deni uu shalayto booqday Xarunta Guud ee Ciidanka Daraawiish-ta ee 54-aad, taas oo uu kulamo kula yeeshay Saraakiisha.

Wixii Kasoo Kordha kala soco Idil News.