Ururada VNG, AL-GAPL Iyo PUNSA oo kulan ku yeeshay Garoowe (Sawirro)

Ururka Dawladaha Hoose Ee Puntland Ee ALGAPL , Ururka Dawladaha Hoose Ee Holand Ee VNG International, Daladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSA) iyo Midowga Yurub, ayaa Hotel Royal Palace ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ku yeeshay Kulan ku saabsanaa Talo bixin iyo Talo soo jeedin.

Kulankan oo sidoo kale ay kasoo qaybgaleen Qaar kamid ah Maamulada Degmooyinka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha, ayaa u jeedadiisu aheyd xoojinta Wada-shaqeynta ka dhexeysa Ururadan.

Wakiilka Hay’adda Caalamiga ah VNG International Eng. Guuleed Axmed, ayaa Sheegay in had iyo jeer ay u taagan yihiin inay tababaro siiyaan Ururka Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland, sidoo kalena ay ku kordhiyaan wixii ay dheer yihiin ee Aqoon iyo Taageero ah.

Sidoo kale, Mr. Chris Hemeri oo ka socda VNG International ayaa tilmaamay inay sii xoojinayaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la lee yihiin Ururka Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland (AL-GAPL)

Ugu dambeyntii, Masuuliyiintii ka socday Ururka Dowladaha Hoose ee Degmooyinka iyo Dallada PUNSA ayaa bogaadiyay shirkan, waxaana ay dalbadeen in la dardar-geliyo wada-shaqeynta Ururada.