VIDEO: Masuuliyiin katirsan DF Soomaaliya oo loo xir xiray Musuq-maasuq

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise,  ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin kajirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka.

Sidoo kale, Taliye Bariise ayaa xusay in kiiskaasi baaristiisa ay ka socoto Xarunta CID-da Natiijada kasoo baxdana loo gudbin doono Maxkamada awoodda u leh qaadista kiiskaasi lagu eedeeyay Mas’uuliyiinta & Sarakiisha Kastamka Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo .

Ugu dambeyn, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka.