Wasiir Fiqi “Puntland waxaa ka go’an inay casriyayso habka isu gudbinta xisaabaadka” (Sawirro)

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Xisaabiyayaasha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo usoo xiray tababar ay ku jireen mudo afar cisho ah

Madaxda Dawladaha Hoose ayaa qaadanaayay casharo la xiriira mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

Casharada kala duwan ee ay qaadanaayeen mudadaasi ayaa waxa bixinnaayay macalimiin aqoon durug san uleh mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

“Ujeedada Barnaamijkan ayaa ahaa in Dawladda Puntland ay istic maasho hal xisaab xir oo heer caalami ah sidoo kale waxa uu muhiim u yahay habka daah furnaanta iyo in shacabka Dawladaha Hoose ee aad matashaan ay ogaadaan Cashuurta aad ka qaadan iyo sida ay ku baxdo” ayuu yiri Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur oo soo qabanqaabiyay tababarkan.

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa la dar daarmay Xisaabiyayaasha afarta degmo.

“Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an in ay casriyayso habka isu gudbinta xisaabaadka waana mid guulwayn iyo hurumar horseedi doonta adinkana waxaan rajay nayaa casharada aad qaadateen in aad dalka uga faa’ idaysaan” ayuu yiri Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland