Milatariga iyo Mucaaradka Sudan oo heshiis awood qeybsi ah gaaray

Milatariga Suudaan iyo mucaaradka is beddel doonka ayaa ku heshiis awood qeybsi ah ku gaaray magaalada Addis Ababa sida uu sheegay Mohamed Hassan Lebatt, oo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo madax bannaan, kaas muddo saddex sano ah talada dalka haynaya, iyagoo magacaabay gole ka kooban 10 xubnood oo isugu jira Millitari, rayid iyo hal hoggaamiye oo u dhexeeya dhinacyada.

Golaha ku meel gaarka ah ee Millitariga iyo hoggaamiyeyaasha rayidka dalka Suudaan ayaa sidoo kale isku raacay in ay billaabaan baaritaan hufan oo madaxbannaan, si loo ogaado ciddii ka dambeysay rabshadihii dadka badan lagu dilay ee 3-dii June ka dhacay magaalada Khartuum.

Waa heshiiskii ugu horreeyay ee ay wada jir u gaaraan Millitariga iyo mucaaradka is beddel doonka Suudaan, tan iyo markii talada laga qaaday Bishii April ee sanadkan Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir.