Somaliland: Soomaaliya iyadaa u baahan Dalka Guinea

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon), oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku sugan dalka Guinea, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay Talaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xariirka ugu jartay Dalka Guinea.

Wasiir Faratoon ayaa Sheegay in go’aanka ay qaadatay Dowladda Soomaaliya uusan waxba ka bedeli doonin xiriirka ugub ee haatan u bilowday Somaliland iyo Guinea, Sidoo kalena Guinea aysan u baahneyn Soomaaliya, balse ay iyadu u baahan tahay.

Waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay go’doon ku heyso Somaliland, isla markaana ay kasoo horjeedo horumarkooda, taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka Guinea, kaddib markii dalkaas uu safar ku tagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, looguna soo dhaweeyay Maqaam sare.