Akhriso: Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud, kuwana xilal ka qaadaya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maalmaha soo socda la filayo inuu isku shaandheyn balaaran ku sameeyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Puntland.

Warar saacadihii ugu dambeeyay kusoo dhacayay Warqabadka Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Madaxweynuhu uu Agaasimayaal Guud iyo Agaasime-waaxeedyo uu Magacaabi doono qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, sidoo kalena xilka laga qaadayo hore.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu Agaasimayaal cusub uu u Magacaabi doono, Hay’addo ay kamid tahay Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay aan shaqeyn.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Agaasimayaal Guud u Magacaabo Wakaaladaha Biyaha iyo Korontada, oo dhowaan Madaxweynuhu aas aasay, sidoo kalena Golaha Wasiiradu Meel-mariyeen.

Si Kastaba ha ahaatee, Is-bedelada Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Madaxweyne Deni sameynayo, ayaa la filayaa inay xigto Isku shaandheyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo qeybtooda xilalkooda weyn doonaan.