Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo hawlgallo ka sameeyay deegano dhaca Galbeedka degmadda Kismaayo (SAWIRO)

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay deegano dhaca Galbeedka degmadda Kismaayo gaar ahaan tuuloyinka Beerxaani iyo dhulka fog ee miyaga.

Deeganadan masaafo dhan 90 Km ayeey Kismaayo u jiraan.

Goob walba oo ay ciidanka shalay ilaa xalay gaaren waxaa iskaga cararay kooxda argagixisadda Al-Shabaab.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonla Jubbaland Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka deeganadaas kula hadlay fagaaro waxaa u gudbiyay fariinta dowlad nimada isagoo u sheegay in ciidanka Jubbaland ay halkan u soo gaareen xaqiijinta nabad galyada shacabka.