Cuba oo wada qorshe ay howlgal uga fulinayso Soomaaliya

Dowladda Cuba ayaa xaqiijiysay in ay nool yihiin Labo dhakhtar oo Kubaan ah oo laga soo afduubtay xuduudda Kenya ee Soomaaliya bishii April ee sanadkaan sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Cuba.

Wasiirka Caafimaadka ee Cuban Jose Angel Portal oo Shirkii jaraa’id ku qabtay magaalada Havaana wuxuu sheegay in Cuba ay samaynayso wax walba oo macquul ah si loo sii daayo dhaqaatiirka lagu heysto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in ay socdaan dadaallo ay waddaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Cuba iyo waliba Kenya.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay wadahadal la furi doonto Kooxda dhaqaatiirka Gacanta ku haya.

“Xukuumadda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aadan sii deynta,”ayuu yiri Wasiirka.

Landy Rodriguez iyo assel-ka ah Assel Herrera oo ah labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa lagu heystaa Soomaaliya, waxaana horay looga soo Afduubtay dalka Kenya oo ay ka waddeen howlo caafimaadka.

Dowladda ayaa aaminsan in Kooxda heystaa ay ku sugan yihiin goobo ay maamulaan Ururka Al-Shabaab oo adag tahay in laga helo xog dheeraad ah Xaaladooda.