Mid kamid ah beelaha Jubbaland oo maanta shir ballaaran uga furmay Magaalada Kismaayo

Shirweynehan oo magaalada Kismaayo uga furmay Waxgaradka, Salaadiinta, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa socon doona mudda 3 cisho ah.

Waxaa shirka ka qayb galay Odayaal dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kala timid, dalalka Kenya, Ethopia, Maraykanka, Yurub iyo dalalka Khaliijka.

Shirkaan watashiga ah waxaa lagu lafa-gurayaa masiirka iyo aayaha beesha, waxaana la rajaynayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ay ku caddahay natiijada shirka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaan watashiga ah ayaa warbaahinta Jubbaland faah faahin ka siiyey shirka, waxuuna sheegay in shirka ay ka soo bixi doonto natiijo waaagsan.