VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Hanti-dhowrka Guud

Waxaa dood adag ka taagan tahay xisaab xirka Miisaaniyada Xukuumada Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa dood adag ka yeeshay Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, taas oo dhowaan loo gudbiyay.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa Xildhibaanadu Dood adag ka yeesheen Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, waxaana eedeeyn kulul u jeediyeen Xildhibaanadu Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Wasiirka Maaliyada ee xiligan,ayaa ugu yaraan ku dadaalay beekhaaminta dhaqaalaha,waxuuna bixiyay inta badan shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Dowlada mushahaarkooda.

Balse Xasan Shire,ayaa lagu dhaliilayaa in uusan la imaan wax qorshe cusub ama hindise ilo dhaqaale iyo soo kordhin dakhli oo cusub,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Xildhibaanada ayaa Sheegay in Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland uu u soo gudbiyay in la hareer maray Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee ay ansixiyeen, Iyagoona sidoo kale eedeyn u jeediyay Hanti-dhowrka oo ay sheegeen inuu gabay Shaqadiisii.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa u yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Puntland, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed.