Video:-Cawad oo ka laabtay iscasilaad uu damacsanaa saakay

Waxay ahayd in uu ku shaaciyo iscasilaadiisa shirkan jaraa’id ee loo badalay ka waranka arimaha taagan Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Xogo lagu kalsoonaan karo,ayaa tilmaamaya in dhex-dhexaadin la sameeyay kadib Khayre iyo Cawad ay isku afgarteen arimo ay si adag ugu kala fogaadeen,isla markaana ay ku heshiiyeen in ay wada xaajood ku dhamasytaan arimaha kale.

Guud ahaan bulshada waxay la yaabtay habka shirka jaraa’id u dhacay ,kaasoo ay kamuuqatay anfariir iyo kala daadsanaan dhan walba ah.

Cawad khalkhalka ku jiray dartiis waxuu arimaha dibada ee uu ka warbixinayay ku darsaday GALMUDUG iyo safarka ra’isalwasaare Khayre.

Hogaamiyayaasha Dowlada xiligan hogaamisa dalka horboodaya,waxaa lagu tilmaamaa kuwo fudayd iyo khibrad yari isku darsatay,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Cawad.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka