Puntland oo digniin adag u dirtay Dowladda Federaalka (War-saxaafadeed)

Dowladda Puntland ayaa ugu digtay Dowladda Federalka Soomaaliya inay fara-gelin ku samayso Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Jubaland.

Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa mid baalmarsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ku tilmaamay Warsaxafadeedkii Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland ayaa ku talisay in la ixtiraamo Shuruucda gaarka ah Dowladaha xubnaha ka ah Federalka, si ay dadkoodu u soo dortaan cida ay doonayaan inay hogaamiso.