Jubbaland oo si adag uga jawaabtay War kasoo baxay DF (War-saxaafadeed)

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo looga hadlay habraaca doorashooyinka Jubbaland oo la doonayo inay Jubbaland u hoggaansanto.

Warka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka koobnaa Shan qodob,iyada oo la farayay Dowlad Gobaleedka Jubbaland inay raacaan habraaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay War-Saxaafadeedkaas, iyaga oo sheegay in gebi ahaan ay kasoo horjeedaan warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmihii dambe caadeysatay faragelinta ay ku sameyneyso , Dsatuurka, Maaliyadda Amniga Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland.