VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta diidey inay ansxiyaan Xisaab xirkii Miisaaniyaddii Dowladda ee 2018-kii, taas oo ay hor-geysa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Su’aalo weydiiyay Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland oo maanta Golaha Hor-tagay, waxaana Goluhu ay cod gacan taag ah u qaadeen Ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Dhooba-daareed, oo ku dhawaaqay Go,aanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa sheegay in Baarlamaanku uu diiday ansixinta Miisaaniyadda kaddib markii la hareer maray sidii la rabay in loogu dhaqamo Miisaaniyadda.