Wakiilka Cusub ee QM oo kusoo wajahan Garoowe

Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu wadaa in maalinimada berrito ah uu soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Danjire James Swan ayaa kulan kula qaadan doono Garoowe Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ayaa ka wada-hadli doono Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland oo bishii May ee sanadkan joojisay Wada-shaqeyntii ay la laheyd, waxaana Puntland ay noqonaysa Dowlad Gobaleedkii ugu horeeyay ee uu tago Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadli doona Xoojinta xiriirka Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyo sidii loo dardar-gelin lahaa Wada-shaqeynta labada dhinac.

Wakiilka cusub Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, oo lasoo Magacaabay 30-kii, May, 2019-ka, ayaa dhowaan soo gaaray Soomaaliya, waxaana lagu tilmaama Mr. Swan nin si weyn ula socda Siyaasadaha Soomaaliya, maadama uu ka soo shaqeeyay sanadkii 2011-ka.