IGAD oo War kasoo saartay Xaalada Galmudug

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha ah ee  ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo maleeshiyaadkii ka tirsanaa Ahlusunna ee dhawaan lagu biiriyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD  Maxbuub Macalin ayaa soo dhaweeyay qodobda ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna oo ay ka mid ahaayeen ku daristii Ciidamadii Ahlusunna kuwa Dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay tahay mid dowladda Soomaaliya ka saacideysa Guud ahaan sugida amniga dalka oo dhan.

Sidoo kale, Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD  Maxbuub Macalin, ayaa intaas ku daray in Urur Goboleedka IGAD uu garan-istaag u muujin doono howlaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda deegaanada Galmudug oo ay wadaan dowladda Federaalka iyo dadka Reer Galmudug.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda Dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii Ciidamada Ahlusunna kuwa Dowladda Soomaaliya,waana garab taaganahay,waxana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi kasii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah si guulo waaweyn loo gaari ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada & Xildhibaano ayaa ku sugan deegaanada Galmudug,waxaana dowladda ay ku guuleysatay in Ciidamadii Ahlusunna lagu daro kuwa dowladda Soomaaliya,isla markaana xaquudooda ay bixin doonto.